4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 30, 2021
Kulan lagu taageeryo Ugaas Muxumad Maxamed Cali

Sabti, Janaayo, 30, 2021 (HOL) - Kulan ay ka soo qayb-galeen beel ka mid ah beelaha dego Doolow laguna taageerayuey Ugaas Muxumad Maxamed Cali ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho.

Kulankaas oo shir-guddoominayey  Cabdiwahaab Macalin Xiireey ayaa si buuxda loogu taageeray Ugaaska Muxumad Maxamed Cali oo lagu ammaanay nabadeynta iyo horumarinta uu ka dhex-wada beelaha wada deggo deegaanka Doolow ee gobolka Gedo.


Kulankaan ayaa waxaa soo qaban-qaabiyey Cabdirisaaq Xaaji Cali (Joobaar) oo muddo 35 iyo shan sanno ka maqnaa dalka Soomaaliya. Wuxuuna ugu baaqay odayaasha in si wada-jir ah loogu wada shaqeeyo horumarka beesha iyo sidii laysugu soo dhaweeeyo dhammaan bulashada ku nool deegaanka Doolow.

Waxaa halkaas ka hadlay odayaal ay ka mid yihiin Macalin Maxamed Deefow, Cusmaan Xaashi Cumar iyo Inshaar Xaaji Cabdullahi.