4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 28, 2021
Midowga Musharixiinta ''Waxaan uga digeynaa madaxweyne Farmaajo in uu qabto doorasho hal dhinac ah

 

Khamiis, Janaayo, 28, 2021 (HOL) - Qoraal kooban oo ka soo baxay midowga musharixiinta ayaa ugu horreyn lagu soo dhaweeyay soo magacaabista guddiyadii heer federaal ee dowlad gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland, iyaga oo dhinaca xoojiyay baaqii labada dowlad gobolleed ee ahaa in la qabto shir deg deg ah looga arinsanayo arrimaha doorashada.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayeey uga digeen in uu qabto doorasho hal dhinac ah, taasoo ayeey sheegeen in ay noqon karto mid halis ku ah xasiloonida, midnimada iyo wadajirka dalka.

Qoraalka midowga musharixiinta 

 

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]