4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 27, 2021
Askar ka tirsan militariga Soomaliya oo lagu dilay weerar goor dhaw ka dhacay dulleedka degmada Balcad

 

Arbaco, Janaayo, 27, 2021 (HOL) -Inta la xaqiijinayo 10 askari oo ka tirsan ciidanka militariga dowladda Soomaaliya ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo lagu qaaday xili ay marayeen dulleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Gaadiidka ay la socdeen ciidamada dowladda ayaa weerar jid gal ah lagu qaaday xili ay marayeen deegaan lagu magacaabo Ilbiq, waxaana wararku intaa ku darrayaan in weerarkaasi lagu gubay gaari dagaal oo ay lahaayeen ciidamada Dowladda.

Xoogagga weerarka ku qaaday gaadiidkan oo ka tirsan Ururka Al-shabaab ayaa dagaal culus la galay ciidanka militariga, lamana sheegin wax khasaare ah oo dhankooda soo gaaray Al-shabaab.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha dowladda Soomaaliya oo la xiriira weerarkan lagu qaaday ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]