Dad lagu laayey Buuhoodle iyo xiisad colaadeed oo ka taagan caawa
Arbaco, Janaayo, 13, 2021 (HOL) - Qof ayaa dhintay mid kalena waa dhaawacmay kadib markii dabley hubaysan ay rasaas ku fureen jidka u dhexeeya Laascaanood iyo Buuhoodle duleedka tuulada Yeyle fiidnimadii caawa.
Dilkan ayaa daba socdey dil loo geystey todobaadkaan bilawgiisii Caaqil, nin hubaysan ayaa magaalada Buuhoodle ku diley kaas oo gacanta lagu dhigay, wadahadalo ayaa ka socdey kiiskaan sida ay HOL waxgaradka degaanku u xaqiijiyeen.
Sida wararka lagu helayo rasaas ayaa laga maqlayaa xaaladuna waa mid aad u kacsan sida uu noo xaqiijiyey suxufi Axmed Nadiif.
Waxaa soconaya dadaalo ay odayaal wadaan sidii xaalada markale dhulka loo dhigilahaa.
Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
seynab@hiiraan.com
Laascaanood