1/28/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 11, 2021
Madaxweynayaasha Saddex maamul gobollleed iyo Midowga Musharixiinta oo kulmay


 

Isniin, Janaayo, 11 2021 (HOL) -Madaxweynayaasha dowlad gobolleedka Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle iyo xubnaha midowga Musharixiinta oo xalay kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa si adag uga doodday go'aankii ay dhawaan xukuumaddu qaadatay ee ahaa qabashada doorasho aan loo dhameyn.

Madaxweynayaasha saddexdan dowlad gobolleed ayaa ku garab taagnaa Ra'iisal Wasaare Rooble ku dhawaaqista go'aankan oo ay siweyn uga xumaadeen dhinacyada kale ee wali doooda ka qaba doorashada.

Kulanka ayaa waxaa si qota dheer looga dooday arrimaha doorashada iyo go’aanki Xukuumadda, hasse ahaatee madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa markii danbe qaatay doorka dhaxdhaaxdinta dhinacyada maqan iyo xukuumadda si loo qabto doorasho wadajir ah oo leysla ogol yahay.

Tallaabadan ayaa u muuqata mid meesha ka saareysa ku dhawaaqistii Ra'iisal Wasaare Rooble ee aheyd in doorashada la gudagali doono iyadoo aysan jirin cid loo joojiyo.

Dhinaca kale madaxweynayaasha saddexda dowlad gobolleed ayaa ka dalbaday midowga musharixiinta in ay dhankooda soo gudbiyaan xubnaha ku jira guddiga doorashada oo ay darreenka ka qabaan si isbadal loogu sameeyo.

Mdaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobey oo shalay hadlay ayaa dhankiisa ka diggay in la qabto doorasho hal dhinac ah isaga oo dalbaday in kulan leysugu yimaado.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]   













Click here
1/11/2021 3:11 PM EST
Isniin, Janaayo, 11, 2021 (HOL)- Waxaa maalmahan magaalada Jigjiga ee DDS laga dareemayay sare u kac qiimaha maciishada daruuriga ah, taas oo dadka degaanku aad uga walaaceen.

1/11/2021 10:14 AM EST
Isniin, Janaayo, 11, 2021 (HOL) - Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya islamarkaana ah musharax u taaggan xilka madaxweyaha Soomaaliya Prof Cabdinuur Sheekh Maxamed ayaa dowladda ku eedeeyay caburin aan loo meeldayin oo shacabka iyo mucaaradkaba ay kula kaceyso.

1/11/2021 8:03 AM EST
Isniin, Janaayo, 11 2021 (HOL) - Puntland ayaa maanta xabsi kuyaala Garowe u dhaadhicisay weriye lagu magacaabo Kilwe Aadan Faarax oo muddo 15 cishe ah gacanta ugu jiray hay’addaha nabad sugida Puntland.

1/11/2021 7:27 AM EST
Isniin, Janaayo, 11, 2021 (HOL) - Ilaa saddex askari oo ka tirsanaa ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa lagu dilay fiidnimadii Axadda weerar gaadmo ah oo ay ku qaadeen xoogagga Al-shabaab saldhig ay ku lahaayeen ciidanka dowladda gobolka Shabeellada Dhexe.

1/11/2021 6:11 AM EST
Isniin, Janaayo, 11 2021 (HOL) - Isimada Puntland ayaa baaq kasoo saaray khilaaf siyaasadeed ee ka taagan arrimaha muragaysan ee doorashada Soomaliya, kadib markii ay Garowe kulan kula yeesheen madaxweynaha Puntland, Siciid Deni.

1/11/2021 5:34 AM EST
Isniin, Janaayo, 11, 2021 (HOL) - Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey James Swan,

1/11/2021 2:47 AM EST
Isniin, Janaayo, 11, 2021 (HOL) - Saraakiisha Amniga magaalada Woqooyiga Itoobiya ku taal ee Mekelle ayaa walaac ka muujiyay amni darada ka jirta magaalada iyadoo mid ka mid ah saraakiishan uu sheegay in dumar lagu kufsaday toddobaadkan magaalada. xili magaalada ay ku jirto gacanta ciidanka federaalka Itoobiya.

1/11/2021 2:25 AM EST
Isniin, Janaayo, 11 2021 (HOL) -Dowladda Itoobiya tan iyo markii ay soo afjartay dagaalkii gobolka Waqooyiga ay kula gashay xoogagga Tigrayga, waxaa ay ku raad joogta sidii ay gacanta ugu soo dhiggi laheyd saraakiisha sar sare ee TPLF ee ku lugta lahaa qalalaasaha