4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 6 , 2021
Wasiir Dubbe '' Dowladdu tanaasul badan ayeey ka sameysay arrinta gobolka Gedo

 

Sabti, Feberaayo, 06, 2021 (HOL) -  Wasiirka Wasaarradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo xalay saqdii dhexe warbaahinta kula hadlay magaalada Dhuusa-Mareeb ayaa sheegay in muddadii uu socday shirka dowladdu tanaasul badan ka sameysay arintan muranka gobolka Gedo.

Wasiirka ayaa sheegay in Dowladda dhaxdhaxaadiyayaashuba ku taliyeen si xal looga gaaro arintan gobolka Gedo qoddobo ay ka mid yihiin.

1 Inta aan maamul dusha looga keenin in gobolka Dib-u-heshiisiin laga sameeyo, arintaana Jubbaland waa ay ka soo horjeesatay.

2. Waxaa kaloo la soo jeediyay in doorashada Garbahaarey ay maamulaan ciidamo Booliis ah oo ka socda AMISOM, taana Jubbaland waa ay ka soo horjeesatay.

3.Waxaa sidoo kale la soo jeediyay in gobolka Gedo loo diro guddi ka socda maamul gobolleedyada gaar ahaan Wasiirraddooda arrimaha gudaha si ay u soo ogaadaan mashkilada ka taaggan gobolka iyo xaqiiqda halkaa ka jirta, sidoo kale Jubbaland arintaa waa ay ku gacanseyrtay.

Wuxuu sheegay in markii intaa oo dhan leysku fahmi waayay in la waayay meel kale oo looga gudbo.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in siweyn loo tuhusan yahay sida uu hadalka u dhiggay in arrinku dhaafsiisan yahay Jubbaland oo ay jirto gacan kale oo shisheeye oo sida uu hadalka u dhiggay gadaal ka riixeysa diidmada Jubbaland.

Wali ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Jubbaland ee la xiriira burburka shirka DhuusaMareeb iyo waliba eedeymahan uga yimid dhinaca xukuumadda gaar ahaan uu ka dhawaajiyay Wasiirka Wasaarradda Warfaafinta.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]