4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 4 , 2021
Jenaraal Yacquub " Maanta kadib Jenaraal Xuud iyo Al-shabaab waa isugu keen mid"
 

Khamiis, Feberaayo, 04, 2021 (HOL) - Abaanduullaha ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed qeybta 27-aad Jenaraal Saalax Yacquub oo goordhaw Saxaafadda kula hadlay xarunta maamulka gobolka Hiiraan ayaa ka warbixiyay dagaal muddo kooban socday oo aroornimadii hore ee maanta ka dhacay magaalada Baledweyne oo u dhaxeeyay ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Hirshabeelle oo dhinac ah iyo ciidamada Jenaraal Abuukar Xuud.

Jenaraal Saalax Yacquub ayaa sheegay in weerarkii saaka lagu soo qaaday uusan wax qasaare ah kasoo gaarin isago sheegay iney iska difaaceen ciidankii soo weeraray kuna daba maqan yihiin ciidamo ka tirsan militariga Soomaaliya.

"Waa nasiib darro in magaalada dhexdeeda weerar baasuuke loo adeegsanaayo uu ku soo qaado mid ka mid ah Jenaraaladii dalka soo maray balse waxaan cadeynaya in maanta kadib Jenaraal Xuud iyo Al-shabaab iney isku mid inoo yihiin" Ayuu yiri Jenaraal Saalax Yacquub.

Dhaqdhaqaaqa hubeysan ee uu hoggaamiyo Jenaraal Abuukar Xuud ayaa si weyn uga soo horjeedo hanaankii loo maray dhismaha Hirshabeelle iyo jiritaan keedaba, waana markii labaad uu dagaal ku dhexmaro gudaha magaalada Baledweyne Ciidamada Hirshabeelle iyo kuwa uu hoggaamiyo Jenaraal Abuukar Xuud.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]