4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 3 , 2021
Shirka Madaxda Dowladda Fedaraalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo goordhaw Furmay
 

Arbaco, Feberaayo, 03, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw si rasmi ah uga furmay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug shirka wadatashiga dowladda Fedaraalka, maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Shirkan waxaa looga hadli doona arrimaha siyaasadeed ee wadanka sida qilaafka ka taagan doorashada dalka ka dhaceyso iyo sida xal loogo gaari lahaa, waxaana shirka uu goordhaw ku bilaawday jawi aanan lasii saadaalin karin waxyaabaha kasoo bixi doona maadama madaxda shirka uu u furmay aay si weyn ugu kala aragti duwan yihiin waxyaabaha aay isku hayaan.

Shacabka Soomaaliyeed iyo daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya ayaa si gaar ah isha ugu wadda haayo natiijada kasoo bixi karta shirkan wadatashi ee maanta sida rasmiga ah uga furmay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Maamulka Galmudug.

Lasoco waxii kusoo kordha wararka la xiriira shirka Dhuusamareeb.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]