4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 15, 2021
Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Seneter Yuusuf Xaaji

 

Isniin, Feberaayo, 15, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Wasiirkii hore ee Difaaca dalka Kenya Seneter Yuusuf Xaaji.

Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri '' Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan qoyska iyo ehelada Alle ha unaxariistee Senator Maxamed Yuusuf Xaaji oo xilal kala duwan oo muhiim ah kusoo matalay Soomalida Kenyaā€¯.

Yuusuf Xaaji ayaa bilihii ugu danbeeyayba ku xanuusanayay magaalada Nairobi sida uu warbaahinta u sheegay xildhibaan Aadan Barre Ducaale.

Waxaa uu ka mid ahaa siyaasiyiinta Soomaalida ee laga soo doortay gobolka Waqooyi Barre kuwooda ugu caansan isaga oo xilal kala duwanna ka soo qabtay dowladda Kenya.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]