4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 15, 2021
Puntland oo sheegtay in ay fashilisay weerar Al-shabaab la damacsanaayeen Galgala
 

Isniin, Feberaayo, 15, 2021 (HOL) - Ciidamada Puntland ee ku sugan Galgala ayaa sheegay in ay ka hortageen weerar gaadmo ah oo ay Al Shabaab ku doonayeen in ay ku qaadaan saldhigyada ciidamada difaaca Puntland ee Galgala.

Ciidamadu waxay sheegeen inay soo qabteen sahay iyo gaadiidkii ay Al-shabaabku wateen kana ka carareen oo iskugu jiray dameero iyo Awr.

Howlgalkaan ayaa kusoo aadaya kadib markii ciidamada Puntland ay maalintii shalay soo bandhigeen xubno kamid ah Alshabaab oo la  sheegay in ay qaabilsanaa qaraxyada lagu aaso waddooyinka ciidamada adeegsadaan..

Waxay kaloo ciidamadu sheegeen in ay qabteen walxaha laga sameeyo qaraxyada kadib howlgal laga sameeyay buuralayda Galgala ee gobolka Bari.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]