4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 10, 2021
Dowladda federalka Soomaaliya oo ku celisay in shirka madaxweyne Farmaajo shaaciyay uu ka dhacayo Garowe
 

Arbaco, Feberaayo, 10, 2021 (HOL) - Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Dubbe ayaa sheegay dowladda Soomaaliya in ay ka go’an tahay in shirka wada tashiga uu ka dhaco magaalada Garowe, inkastoo ay Puntland ay ku talisay Muqdisho.

Wasiirka warfaafinta ayaa sheegay in aysan filayn in dood laga keeno in Garowe oo ah magaalo nabadeed uu rajaynaynayo lagu dhameystirayo heshiiskii doorashada.

Wasiir Dubbe wuxuu sheegay dowladda federalka in ay ka go’an tahay in ay qabato doorashooyin loo dhan yahay, wuxuuna tilmaamay in ay soo dhoweynayaan baaqii kasoo baxay golaha ammaanka oo ahaa in xal degdeg ah laga gaaro caqabadaha hortaagan qabashada doorashada.

"Waxaynu is leenahay in aynu maanta u baahnayn in lugta la isjiido, waxayna u fahmaynaa in lixdii bilood ee lasoo dhaafay sidii doorashada lugta loo jiidayay in halkaan lasoo gaarsiiyay, laakiin dowladda federalka waxaa ka go'an in la fuliyo heshiiska doorashada," ayuu yiri Wasiir Dubbe.

Hadalka wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa kusoo aadaya iyadoo maamulada Puntland iyo Jubbaland ay doonayaan in shirka lagu qabto Muqdisho, fursadna laga siiyo saamileyda siyaasada iyo beesha caalamka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]