4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 1 , 2021
Lamanaayaal ku jiray farxada guurkooda oo kamid noqday dadkii lagu dilay weerarkii hotel Afrik
 

Isniin, Feberaayo, 01, 2021 (HOL) - Fahad iyo Farxiyo oo ahaa lamaanayaal ku jiray todobo baxooda ayaa kamid noqday dadkii ku geeriyooday weerarkii xalay lagu qaaday hotel Afrik ee magaalada Muqdisho, halkaas oo dabley katirsan Alshabab gudaha u galeen.

Lamaanahan ayaa maanta lagu aasay qabuure kuyaala magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb galay eheladooda oo aad uga murugaysnaa geerida Fahad iyo Farxiyo oo lagu kala aasay labo qabri oo is dhinac yaala.

Fahad  oo dhawaan ka yimid dalka dibadiisa, ayaa  doortay in uu ku aqal galo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, hase yeeshee iyagoo weli ku jira farxaoodii guurka ayay geeri la kulmeen.

Qoyskooda waxay sheegeen marxuumiintu in ay ahaayeen dhalinyaro da’ yar oo ku haminayay mustaqbal wanaagsan in ay nolasha ka gaaraan.

Dad badan oo Farxiyo iyo Fahad lamid ah ayaa nolashooda horay ugu waayay weerarada nuucaan oo kale ee ka dhaca Soomaaliya.

Sanadkii 2019 weerar lagu qaaday hotel kuyaalay magaalada Kismaayo ayaa lagu dilay Hodan Naaleeye oo ahayd gabadh saxafiyad oo caan ah iyo Saygeeda oo ku sugnaa hotelka la wareeray.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online