4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 3 , 2021
Ciidanka Somaliland oo digniin u diray ciidamada Buuhoodle dagaalka ka abaabulaya
 

Jimco, December, 3, 2021 (HOL) - Ciidamada Somaliland ee aaga Buuhoodle, ayaa digniin u diray ciidamo iyo odoyaal dhawaan sheegay in ay dagaal Somaliland ka dhan ah ka abaabulayaan gobolka Buuhoodle, kuwaasi oo ku dhawaaqay jabhad ay SSC ugu magac dareen.

Taliyaha guutada 130aad ee ciidanka millateriga Somaliland, ee aaga Buuhoodle Siciid Maxamed Cali, ayaa sheegay in dad Puntland ka yimid ay gobolka khal khal galin ka wadaan.

"Maalmahan deegaanka buuq badan ayaa ka jiray, deegaan kanina, deegaan buuq u baahan maaha, dadka buuqa wadaana waa dad aan deegaanka waxba ugu filayn, dadkan iyo ciidamadan soc soconaya waxay kicinayaan nabadgalyo daro" ayuu yidhi taliye Siciid.

"Deegaankani uma baahna dad Garoowe ka yimid oo masaafada intaa leeg soo maray, waxaanu uga tudhaynaa anagu dhibaatada ay qabaan in anan dhibaato ugu darin, waxaanu u sheegaynaa deegaanka in ay ka daayaan khal khalka".

Taliyaha ayaa sheegay in anay ogolaanayn in gobolka dagaal iyo khal khal laga abuuro "Waa deegaan xasaasiya kama ogolaanayno nin anay waxba ka oolin in uu khal khal ka abuuro".

Ciidamo dhawaan sheegay in ay ka goosteen guutada 130aad, ee ciidanka Somaliland ayaa sheegay in ay qaadayaan dagaal ay Somaliland kaga saarayaan gobolada Sool Sanaag iyo Buuhoodle.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]