4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 1 , 2021
TPLF oo lagala wareegay magaalooyin muhiim ah
 

Arbaco, December, 1, 2021 (HOL) - Sida ay baahisay Warbaahinta dowladda Itoobiya, dagaallo adag oo ay dawladdu kula jirtay kooxda TPLF, ayaa waxay dowladdu sheegtay inay la wareegtay magaalooyin waawayn oo istiraatiji ah.

Meelaha lagala wareegay kooxda TPLF ayaa waxaa kamid ah magaalada Gashane oo ah magaalo istiraatiji ah, sida uu sheegay Wasiiru dawlaha Warfaafinta ee dalka Itoobiya Dr Laggesa Tulu, waxa kale oo uu sheegay inay sii wadi doonto dowladdu hawl gallada ka dhanka ah kooxda TPLF.

Abiyi Axmed Ra'iisul wasaaraha ahna  Abaanduulaha Ciidamadda Itoobiya oo ku sugan furimaha hore ee dagaalka, ayaa sheegay in dagaalku uu soconayo ilaa dalku xuroobo, waxa kale oo uu yiri " Marka shacabka Itoobiya midoobaan, dhinac walba natiijadu waa guul".

Geesta kale kooxda TPLF ayaa ka gaabsatay inay ka hadasho ama war kasoo saarto guulaha ay maanta sheeganayso dowladda Itoobiya.

Dagaalka u dhaxeeya dowladda Itoobiya iyo kooxda TPLF, oo soosocday muddo 13 bilood ah, ayaa maalmahan u muuqda mid faraha la iskula tagay, iyadoo dowladdu ay qaadayso ayaantan hawlgalladii ugu cuslaa, oo ay dowladdu ku sheegto in lagu soo gunaanadayo dagaalka.

Shalay ayay ahayd markii uu Abiyi Axmed ugu baaqay kooxda TPLF inay isu soo dhiibaan dowladda, isla markaana naftooda badbaadiyaan.

Dowladda ayaa maalmahan waxay si isdaba joog ah u sheegataa guulo waawayn, oo ay ka gaartay dagaalka ka dhanka ah TPLF, iyadoo haatan ay u dambaysay guusha maanta, ee ay sheegtay dowladdu inay lawareegtay magaalooyin muhiim ah.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]