4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 4 , 2021
Dowladda Soomaaliya oo ku howlan qaban qaabada soo celinta ciidamada lagusoo tababaray dalka Eritrea
 

Arbaco, Agoosto, 4, 2021 (HOL) - Kumanaan Askari oo Soomaali ah oo tababar ku qaadanaya Eritrea ayaa lagu wadaa in ay dib ugu laabtaan dalkooda, sida uu sheegay sarkaal dowladda katirsan oo diiday in magaciisa la sheego.

Dowladda Soomaaliya ayaa diyaarinaysa xeryahii ciidamada la dajin lahaa, waxaana magaalada Muqdisho gaaray sarkaalka dowladda u qaabilsanaa ciidamada la tababaray iyo saraakiil ka socotay Eritrea, si u qiimeeyaan dejinta iyo howgallinta ciiddanka.

Ciiddamadan ayaa dowladdu u kala qorshaysay in ay ka howlgallaan dowlad goboleedyada Koonfurta iyo Jubbaland, si ay kaalin firfircoon uga qaataan dagaalka Alshabab looga xorraysaynayo dhulka maamuladaas.

Ciiddamada ka imaanaya Eritrea oo kor u dhaafaya shan kun oo askari ayaa noqonaya ciiddamadii ugu badnaa ee tababar dibadda kusoo qaata.

Soo laabashadooda oo ku beegan todobaadyada soo socda ayaa imaanaysa xilli waalidiintooda iyo siyaasiyiinta mucaaradka ay su’aal gelinayeen in qaar badan oo katirsan ciiddamadaas ay ka qeyb galeen dagaalka waqooyiga Ethiopia.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online