4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 3 , 2021
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in aysan aqbali doonin dhex dhexaadin in ay ka gasho muranka badda
 

Talaado, Agoosto, 3, 2021 (HOL) - Wasiirka  arrimaha dibedda ee Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya aysan aqbali doonin dhex-dhexaadin ku saabsan muranka xuduudda badda ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiirka arrimaha dibadda ayaa sheegay in Midowga Afrika ay soo saareen warqad aan iyaga weli soo gaarin oo ku saabsan doorka uu midowga Afrika ka cayaarayo sidii labada dal heshiis uga gaari lahaayeen muranka dhinaca badda.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku kalsoon tahay go’aanka maxkamadda ICJ ay sanadkan gudihiisa ka gaari doonto kiiska badda ee dhexyaalla labada dal.

“Arrinta badda waa arrin taalla maxkamadda, umana furna Midowga Afrika, walaa cid kale inay dhex gasho, Soomaaliyana ma aqbalayso. Waxaan ku kalsoonnahay in ay maxkamaddu g’aan gaarto," ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay wasiirku in dowladda Soomaaliya aysan marnaba wax ka bedelidoonin mowqifkeedii ahaa in maxkamadda ICJ ay go'aan ka gaarto muranka badda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online