4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 3 , 2021
Xildhibaannada dimuqraadiga Maraykanka oo dhalleecayay duqeymihii Maraykanka uu ka geystay Soomaaliya
 

Talaado, Agoosto, 3, 2021 (HOL) - Xildhibaannada ugu sarreeya xisbiga Dimuqraaddiga ayaa toddobaadkan si kulul u dhalleeceeyay duqaymihii maamulka Biden uu ka fuliyay Soomaaliya, kadib markii ay sheegeen in maamulka Biden uusan wax sharciyad ah u marin duqeymaha.

Dimuqraadiyiinta, ayaa madaxweyne Biden ku eedeeyay inuu duqeymaha qiil kaga dhiganayo sharciyo labaatan sano ka hor jiray, kuwaas oo aan hadda la jaan qaadi karin marxaladda lagu jiro.

Wasaaradda gaashaandhigga Maraykanka ayaa sheegtay weeraradii ugu dambeeyay ee lagu bartilmaameedsaday Alshabaab, in ay ku yimaadeen oggolaanshaha Isticmaalka Xoogagga Milateriga ee soo baxay sannadkii 2001 kadib weerarkii Mareykanka ee 9/11.

“Waxa kooxda Biden ay sameyneyaan waxay la jaanqaadeysaa wixii aan hadda ku aragnay saddexdii maamul oo hore, laakiin annaga ahaan, waa mid aan waafaqsanayn ujeeddada Congress -ka,” ayuu yiri Sen. Ben Cardin oo ah Xubin sare oo ka tirsan Guddiga Xiriirka Dibadda ee Senate-ka.

Xildhibaanada dimuqraadiga ayaa u sheegay madaxweyne Joe Biden inuu soo gudbiyo oggolaansho cusub oo ku aaddan adeegsiga xoogga milateri, waxayna u sheegeen inuu garwaaqsado in meesha laga saaro xeerka milatari ee soo baxay sannadkii 2001.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online