4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 22, 2021
Shabakada Abaarso oo ka hadashay eedaha dugsiyadooda looso jeedinayo
 

Axad, Agoosto, 22, 2021 (HOL) - Shabakada dugsiyada Abaarso (Abaarso Network), oo ka jawaabtay eedaha loo jeedinayo macalimad Joy Isa, ayaa sheegay  in Joy Isa ay heshiis kula shaqaynaysay, isla markaana aan loo ogolayn in ay ka hadasho arrimo diimeed, waxayna sheegeen in ay diyaar u yihiin baadhitan kasta.

Waxay sheegen in Shabakada Abaarso, ay muddo 12 sano ah ardayda reer Somaliland ka caawisay in ay helaan waxbarasho u dhiganta ta caalamka horumaray isla markaana ay ardayda reer Somaliland ka caawiyeen in ay helaan deeqo waxbarasho oo qiimo ahaan jooga $37 milyan, isla markaana ay shaqaalaysiyeen macalimiin ixtiraama dhaqanka iyo diinta reer Somaliland.

Waxay sheegeen in macalinkasta oo ay shaqaalaysiinayaan, ay la galaan heeshiis ah in anay ka hadli karin diimaha ay aaminsanyihiin iyo fikiradahooda shakhsiga ah, isla markaana macalinkii heshiiska jabiya laga qaado talaabo deg deg ah.

Waxay yidhaahdeen waxaanu adduunka ka raadsana macalimiin aqoon sare leh oo caawin kara dadka reer Somaliland ee hibooyinka leh, waxa kale oo warbixinta Shabakadu ku sheegtay in Isa ay tahay macalimad leh khibrad maamule-nimo oo dheer, isla markaana ay heshiis kala galeen ka hadalka arrimaha diinta.

"Joy Isa waxay leedahay 27 sano oo khibarad maamule-nimo ah, sida shaqaalaha yaga kale Isa waxa laga rajaynayaa in ay raacdo xeerarkayaga mamnuucaya ka hadalka diimaha, hadii ay khilaafi lahaydna barri hore ayaa la eryi lahaa" ayay tidhi warbixintu.

"Waxaanu dhawaan aragnay muuqaalo baraha bulshada lasoo galiyay oo muujinaya Isa oo ka qayb qadanaysa adeegyo diimeed gudaha Nigeria, muuqaaladaasi waa wakhti dheer kahor intii anaan shaqaalaysiin.., waxaanu kalsooni ku qabnaa in marwo Isa anay jabinin heshiiskii aanu la galnay iyo sharciga noo yaala" ayay warbixintu ku dartay.

Shabakada ayaa sheegtay in ay diyaar u yihiin baadhiskasta oo ay dugsiyadooda ku sameeyaan hay'adaha ku shaqada lihi.

Bulshada Somaliland ayaa ka dareen celiyay macalimad Joy Isa oo hore uga shaqayn jirtay arrimaha diinta Masiixiga, isla markaana hada Shabakada Abaarso maamule uga dhigtay jaamacadda Barwaaqo oo ka tirsan shabakada.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]