4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 21, 2021
Dowladda Soomaaliya oo beenisay in ay shirkaddaha Fly Dubai iyo Air Arabia ka joojisay in ay duulimaadyo ka sameeyaan Soomaaliya
 

Sabti, Agoosto, 21, 2021 (HOL) - Wasaaradda gadiidka iyo duulista hawada dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay ay beenisay in ay jiraan amar ka soo baxay Wasaaradda kaas oo dalka lagaga joojiyay shirkadaha diyaaradaha ee Fly Dubai iyo Air Arabia.

Wasaaradda waxay ugu digtay warbaahinta wararkaas ay been abuurka ku sheegtay faafinaya inay joojiyaan, si aan bulshada Soomaaliyeed loo maran habaabin.

Warar lagu faafiyay baraha bulshada ayaa lagu sheegay in dawladda Soomaaliya ay diyaaradaha Fly Dubai iyo Air Arabia ku xirtay ilaa inta ay ogolaansho rasmi ah ay ka helayaan Hay'adda duulista Soomaaliya, in aanay wax duulimaad ah ka sameyn karin gudaha dalka.

Go’aanka dowladda kasoo saartay shirkaddahan ayaa soo baxay 31dii july ee sannadkan, inkastoo dowladdu beenisay warkaan.

Labadan shirkaddood ayaa duulimaadyo rasmi ah horay uga billaabay magaalada Hargeysa ee Somaliland.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online