4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 21, 2021
Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo Maanta ka furmaayo magaalada Muqdisho
 

Sabti, Agoosto, 21, 2021 (HOL) - Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo shirka golaha wadatashiga qaran oo lagu balansanaa sida uu qorshuhu ahaa.

Khamiistii ayaa qoraal kasoo baxay xafiiska Raysal wasaaraha Soomaaliya lagu shaaciyay in shirkada Madasha Qaran uu maanta oo Sabti ah ka furmayo teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

Shirka maanta u furmi doono golaha wadatashiga qaran ayaa lagu wadaa in diirada lagu saaro arrimaha doorashooyinka dalka oo maamulada qaar ka bilaawday iyo waliba sidii loo dhameystiri lahaa qabsoomida doorashooyinka harsan.

Wararka qaar ayaa waxay sheegayaan shirka maanta furmaayo wax ka badel loogu sameyn rabo qaar ka mid ah qodobadii horay loogu wada heshiiyay.

Shirkan maanta ka furmayo teendhada Afisyooni ayaa horay loogu balansanaa inuu qabsoomo Khamiistii lasoo dhaafay kaasoo u baaqday safar uu dalka kaga maqnaa Raysal wasaaraha Soomaaliya oo lahaa casuumaada shirka.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]