4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 20, 2021
Waa ayo Joy Isa, gabadha muranka ka dhex abuurtay bulshada Somaliland?
 

Jimco, Agoosto, 20, 2021 (HOL) - Joy Isa oo ah madaxweynaha jaamacada Barwaaqo ee Hargaysa, waa gabadh reer Nigeria ah, waa macalimad aqoonta heer sare ka gaadhay oo shahaadada doctorate degree ka diyaarinaysa kulliyada waxbarashada, waa gabadh soo maamushay dugsiyo badan, waana wadaadad diinta Masiixiga ku xeel dheer.

Isa ayay hadal haynteedu baraha bulshada la wareegtay kadib markii Cabdimalik Muuse Coldoon, uu soo bandhigay in ay tahay wadaadad tabliiqi ah oo diinta Masiixiga faafisa, taasi oo bulshada muran badan oo u jeedada Isa ay Somaliland u joogto laxidhiidha ka dhex dhalisay bulshada, waxana la rumaysanyahay in sababta darteed Coldoon loo xidhay.

Isa hada waa madaxweynaha jaamacadda Barwaaqo ee hablaha u gaar ka ah oo ah farac kamid ah dugsiga Abaarso, waxayna soo maamushay dugsiyo laga leeyahay Maraykanka iyo Ingiriiska oo ku yaala dalka Nigeria, dhanaca kale, waxay wakhtiyo kala duwan dadka ka wacdiyi jirtay kaniisada Elevation Church oo xarunteeda guud ku taalo magaalada Charlotte ee dalka maraykanka.

Hadaba shakiga laga qabo u jeedada Isa ay Somaliland u joogto, ayaa cirka isku shareertay kadib markii qoraal lagu qoray barta Twitterka ee kaniisada Elevation Church xiligii ay Somaliland imanaysay  lagu sheegay in Isa ay Somaliland u timid si ay dadka ku dhaqan u gaadhsiiso diinta Masiixiga.

"Waxaanu u ducaynayna pastor Tunji oo ka shaqayn doonta qayb cusub oo kaniisadu ku yeelanayso dalka Ingriiska, iyo Joy Isa oo Somaliland u tagaysa howlo tabliiq (diin faafin). Allow hadee oo u fududee kuna xooji magaca Jesus (Ciisa)" ayaa lagu yidhi qoraalka kaniisada.

Kadib markii qayla-dhanta Isa ka dhan ka ahi baraha bulshada buuxisay, ayay maanta markale kaniisadu qoraal ay soo saartay ku sheegtay in qoraal kii hore ee ahaa in Isa howlo diin faafin ah u imanayso Somaliland, uu ahaa qoraal si qalad ah kusoo baxay isla markaana Isa anay kaniisada ka shaqayn waligeed.

Qaar kamid ah ardayda jaamacadda Barwaaqo, ayaa sheegay in anay arag Isa oo ka hadlysa arrimo la xadhiidha diinta ama diinta Masiixiga, lakiin inta badan ay kala hadasho in ay xor noqdaan, shaqaystaan iyo in ay raadsadaan xuquuqaha ka maqan.

Shakiga ay bulshadu ka qabto shaqada Isa ayaa baraha bulshada laga dareemayaa, inskasta oo madaxweynaha Somaliland difaacay guud ahaan dugsiga Abaarso sheegayna in dad u jeedo kale lihi ka faafinayaan ku-turi-ku-teen. Isa ayaa galabta ka dhooftay madaarka Cigaal sida lagu baahiyay Eryal TV.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
 [email protected]