10/24/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 2 , 2021
Xisbiga Waddani oo baaq kasoo saaray doorashada shirgudoonka wakiilada Somaliland
 

Isniin, Agoosto, 2, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee xisbiga Waddani Cabdiqaadir X. Ismaaciil Jirde, ayaa ku baaqay in aan dhibaato laga dhex abuurin, xildhibaannada golaha wakiilada Somaliland ee cusub iyo musharixiinta u taagan doorashada shirgudoonka.

Jirde ayaa sheegay in dhamaan 82 xildhibaan ee usoo baxay golaha wakiilada ay isku mid yihiin oo mid kasta oo kamid ahi uu noqon karo shirgudoon ama afhayeenka wakiilada isla markaana labada musharax ee tar tamayaa Cabdirisaaq Khaliif iyo Faratoon, ay yihiin laba nin oo isku mid ah.

"Yaan cunfi laga dhigin, labaduba waa laba nin oo mudo kara, oo xilkaa qaban kara, midna ceeb gaar ah oo loo hayaa majirto, anuu waxan qabaa 82 kuba in ay xilka qaban karaan madama oo ay soo mareen dhamaan jaran jarooyinkii oo caafimaad koodi la baadhay, oo danbi la'aan toodi la baadhay, labadan nina way ugu sii mudanyihiin" ayuu yidhi Jirde.

Jirde ayaa sidookale ku baaqay in maadaama oo doorasho la'amaanay ay Somaliland ka dhacday aan buuq iyo khilaaf laga danbaysiin oo layska ilaaliyo wixi sawir xun ka bixinaya doorashadii dhacday.

"2005 buuq ayay inaga gashay lakin odayaashii guurtida ayaa soo dhex galay oo xaliyay, doorasho wanaagsan ayaa inoo dhacday, halkani waa gaba gabadii, waa halkay ku dhamaanaysay, in ay maanta inaga xumaato maaha, dad aan ehel u ahayn ayaa ka hadlay oo labada ninba maagay" ayuu yidhi.

Xisbiyada mucaaradka iyo muxaafadka Somaliland ayaa loolan adag ugu jira sidi midba midka kale ugaga guulaysan lahaa shirgudoonka golaha wakiilada Somaliland, iyadoo kalfadhiga 1aad ee golaha wakiilada cusub qabsoomi doono maalinta bari ah.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
















Click here
8/2/2021 4:56 PM EST
Isniin, Agoosto, 2, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa beeniyay in uu ku baaqay mudaharaad maalinta bari ah, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxammed Kaahin Axmed, saxafiyiinta qaarkoodna qoreen.

8/2/2021 1:17 PM EST
Isniin, Agoosto, 2, 2021 (HOL) - Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxammed Kaahin Axmed, oo u jawabaya guddoomiye Faysal Cali Waraabe, oo la sheegay in uu shacabka Hargaysa ugu baaqay in ay bari isku soo baxaan, ayaa uga digay in uu nabad galyo daro abuuro.

8/2/2021 12:54 PM EST
Isniin, Agoosto, 2, 2021 (HOL) - Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee maamulka Puntland ayaa ku guul daraystay in ay saxdo imtixaankii shahaadiga ahaa ee fasalada siddeedaad ee dugsiyada dhexe Puntland, xilli maalinta berrito ah ay dib u furmayaan guud ahaan dugsiyada Puntland.

8/2/2021 11:53 AM EST
Isniin, Agoosto, 2, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw si rasmi ah u soo gabagaboobay doorashada Shan ka mid ah kuraasta Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ku matalaya maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

8/2/2021 11:49 AM EST
Isniin, Agoosto, 2, 2021 (HOL) - Xildhihaan Cabdikariin Meecaad oo xisbiga Waddani uga soo baxay gobolka Sanaag oo horey uga tirsana isbahaysiga xisbiyada mucaaradka Somaliland ee Waddani iyo UCID, ayaa ku biiray isbahaysiga kasoo hor jeeda ee xisbiga Kulmiye iyo garabka UCID.

8/2/2021 11:39 AM EST
Isniin, Agoosto, 2, 2021 (HOL) - Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa go'aano kasoo saartay sicir bararka maalmahan ka jiray degaanka, sidaan lawada soconay maalmihii aynu soo dhaafnay waxaa degaanka Soomaalida ka jiray sicir bar dhanka maciishada ah, taas oo shay walba uu gaadhay qiimo aysan cidna u dhawaan karin.

8/2/2021 7:35 AM EST
Isniin, Agoosto, 2, 2021 (HOL) - Ayaan Adan Cabdullaahi ayaa noqotay haweenaydii Labaad ee kusoo baxda doorashada xildhibaanada aqalka sare ee koonfur galbeed ku matalaya barlamaanka labaad ee aqalka sare.

8/2/2021 6:05 AM EST
Isniin, Agoosto, 2, 2021 (HOL) - Waxaa goordhaw si rasmi ah ay uga bilaawday magaalada Baydhabo doorashada Xildhibaanada Aqalka sare Baarlamaanka Soomaaliya ku matalaya maamulka Koonfur Galbeed.

8/2/2021 1:42 AM EST
Isniin, Agoosto, 2, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad ee ciidanka Xoogga dalka Maxamuud Xasan Ibraahim Baakaay ayaa si wadajir ah dhaliilo adag ugu jeediyay ciidamada AMISOM ee ku sugan gobolka Hiiraan.

8/2/2021 1:31 AM EST
Isniin, Agoosto, 2, 2021 (HOL) - Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ay ka bilaabato doorashada Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ku matalaya maamulka Koofur Galbeed.