4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 19, 2021
Cabdimaalik Muuse Coldoon oo mar kale xabsiga loo taxaabay
 

Khamiis, Agoosto, 19, 2021 (HOL) - Ciidamada booliiska Somaliland, ayaa xabsiga u taxaabay saxafi Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ah shakhsi caan ka ah baraha bulshada, isla markaana u olloleeya in la xidho xarumaha madadaalada iyo dhaqanka iyo dugsiyada wadamada shisheeye leeyihiin ee Somaliland ku yaala.

Coldoon ayaa maalmihii lasoo dhaafay qaaday ollole ka dhan ah Xarunta Dhaqanka ee Hargaysa iyo dugsiga Abaarso. Waxa uu ku doodayay in Xarunta Dhaqanka lagu soo marti qaado dad u olloleeya guurka dadka isku jinsiga ah xiliyada bandhiga buugaagta, sidookale dugsiga Abaarso ayuu ku haysta in dhaqamo gaalo lagu faafiyo.

Xukuumada Somaliland ayaa si wayn uga hortimid eedaha uu Coldoon u jeediyay  xarumaha kor ku xusan, sidookale madaxda Xarunta Dhaqanka, xukuumada  Somaliland iyo qaar kamid ah abwaaniinta ugu waa wayn Somaliland, ayaa waxba kama jiraan ku til mamay eedaha Coldoon.

Muuqaal baraha bulshada lasoo galiyay, ayaa muujinaya Coldoon oo koox askar ah oo katirsan Booliiska Somaliland ay xabsiga kusii wadaan magaalada Burco. Xukuumadihii kala dan beeyay ee Somaliland ayaa marar kala duwan xabsiga dhigay saxafigan mayalka adag.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
 [email protected]