4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 19, 2021
Ciidamada Midowga Yurub ee ilaalada xeebaha Soomaaliya oo ka hadlay weerar burcad badeedu ku qaadeen Markab ganacsi
 

Khamiis, Agoosto, 19, 2021 (HOL) - Markab xamuulka qaada oo lagu magacaabo Ro-Ro oo ku gooshayay calanka dalka Turkiga ayaa lagu qaaday weerar budhcad-badeednimo xilli uu marayay meel ka baxsan Soomaaliya Jimcihii, 13-kii Ogosto, sida lagu sheegay xog ay bixisay EU NAVFOR.

Sida lagu soo warramay, Xarunta Hawlgalka Wadajirka ee EU NAVFOR ayaa heshay digniin kaddib markii doon ay saarnaayeen 4-5 qof oo hubaysan ay isku dayeen in ay kusoo dhowaadaan markabka.

Markabka ayaa ku furay hub fudud iyo baasuukayaal (RPG).

Kaddib ku dhawaad laba saacadood oo ay is-weydaarsadeen rasaas dhex-martay kooxdii weerarka soo qaadday iyo shaqaalaha ammaanka Markabka, ayay kooxihii weerarka geystay dib ugu soo laabteen xeebta.

Ma jirin wax dhibaato ah oo gaaray Markabka, wuxuuna gaaray dekedda Muqdisho 14 -kii Agoosto.

In kasta burcad-badeednimada iyo dhaca badaha Soomaaliya laga hortagay oo la cabudhiyay sanadihii ugu dambeysay, haddana Midowga Yurub wuxuu sheegay dhacdadani in ay muujinayso in  aan la dabar goyn burcad badeeda halista ku ah xeebaha Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online