4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 18, 2021
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo kulan kula qaatay dalka Masar madaxweynahii hore ee Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad
 

Arbaco, Agoosto, 18, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay hoyga uu ka dagan magaalada Qaahora ku booqday madaxweynahii hore ee Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Kulanka Raysal wasaare Rooble iyo madaxweynahii hore ee dalka Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa looga hadlay arrimo badan oo la xiriira xaalada dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee hadda qabsoomay sida Aqalka sare iyo waliba doorashoyinka soo socda.

Raysal wasaare Rooble ayaa Cabdiqaasim Salaad ugu mahadceliyay doorkiisii dib u dhiska dalka, islamarkaana sheegay inuu warbixin guud ka siiyay xaalada dalka, talooyin dhaxalgal ahna uu ka qaatay madaxweynahii hore ee Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad.

"Waxaan caawa hoygiisa magaalada Qaahira ku booqday madaxweynihii hore ee dalka mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan oo aan uga mahadceliyay doorkiisii dowlad dhiska Soomaaliya iyo kaalintiisa odaynimo. Waxaan madaxweynaha warbixin ka siiyay xaaladda dalka guud ahaan, gaar ahaan howlaha doorashooyinka, anigoo ka dhageystay talooyin iyo tusaalooyin dhaxalgal ah" ayuu yiri Rooble.

Kulankaan xalay dhexmaray Rooble iyo Cabdiqaasim ayaa imaanaya xili uu dalka Masar booqasho uu ku joogo Raysal wasaaraha Soomaaliya isaga iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo casuumaad rasmi ah ka helay madaxweynaha dalka Masar.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]