4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 18, 2021
Alshabaab oo sheegay in ay deegaanka Qeycad ku dileen 30 kamid ah ciidamada Galmudug iyo saraakiil ciidan
 

Arbaco, Agoosto,18, 2021 (HOL) - Alshabaab ayaa sheegay in ay cagta mariyeen saldhiggii ciidamada Galmudug ku lahaayeen deegaanka qeycad ee koonfurta gobolka Mudug, halkaas oo uu shalay ka dhacay dagaal culus oo u dhexeeyay Alshabab iyo ciidamada Galmudug.

War qoraal ah oo kasoo baxay kooxda Alshabab, ayaa lagu sheegay in dagaalkaas lagu dilay 30 kamid ah ciidamada Galmudug, iyadoo Alshabaab ay la wareegtay saldhigga Qeycad.

Dagaalka oo ahaa mid saacado badan socday ayay Alshabaab sheegeen in ay ku dileen saraakiil ciidan oo ay kamid yihiin, taliyihii ciidamada badda ee Galmudug Xirsi Cali Shire iyo Cali Diini oo ahaa sarkaal katirsan booliska Galmudug.

Waxay kaloo sheegeen in ay dileen taliyihii Ururka Horseed ee Daraawiishta Galmudug Maxamed Cali Salaad iyo taliye ku xigeenka Daraawiishta Galmudug, Ciirre Hirsige

Maamulka Galmudug weli kama uusan hadlin dagaalka ka dhacay Qeycad, iyaodo baraha bulshada looga tacsiyaynayay askarta dagaalkaas ku geeriyootay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online