4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 17, 2021
Xukuumada Somaliland oo iska difaacday eedo uga yimid xildhibaan wakiilada ka tirsan
 

Talaado, Agoosto, 17, 2021 (HOL) - Wasiirka Xanaanada xoolaha Somaliland Siciid Sulub Maxammed, ayaa beeniyay in deegaanka Magaalo-cad ee gobolka Awdal la hoos keenay gobolka Gabiley sida uu xukuumada ku eedeeyay xildhibaan Axmed Yaasin oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland.

Wasiirka ayaa sida uu xildhibaanku sheegay si kaduwan sheegay in deegaanka Magaalo-cad laga samaynayo beer laga beeri doono calafka xoolaha, oo wasaarada xanaanada xooluhu masuul ka tahay, isla markaana lagu kobcinayo tayada iyo taranta xoolaha.

"Mashruuca calafka xoolaha ee Wajaale oo ah mashruuc wasaaradu hindistay oo anuu markaan xilka la wareegay bilawnaa, siyaada wasaaradu ka leedahayna ay ahayd in lagu tayeeyo taranka xoolaheena, cadkooda iyo caanahooda, oo dooga nafaqada u leh xoolaha lagu beero" ayuu yidhi

"Anagu ka wasaarad ahaan dhulka makala xadayno, kala xadaynta waxa qaabilsan wasaarada arrimaha gudaha, mashruucaasina mid ku xidhan gobol iyo degmo midna maaha, waa mashruuc qaran, mashruuc qolo sheegan karto maha, mashruuc deegaan sheegan karo maaha" ayuu hadalkiisa ku daray.

Xildhibaan Axmed Yaasin oo ka tirsan golaha wakiilada ee Somaliland isla markaana laga soo doortay gobolka Awdal, ayaa xukuumada ku eedeeyay in deegaanka magaalo cad ay siinayso gobolka Gabilay.



Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]