4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 17, 2021
Xukuumada Somaliland oo xidhay sheekh caan ah
 

Talaado, Agoosto, 16, 2021 (HOL)- Ciidamada amaanka Somaliland, ayaa xabsiga u taxaabay Sheekh Maxammed Sheekh Ismaaciil, oo ah sheekh caan ka ah gudaha Somaliland iyo meelo badan oo deegaanada Soomaalida kamid ah sida ay sheegtay gabadh uu sheekhu dhalay.

"Waxa saaka xaruntiisi shaqo laga dhex qaatay Sheekh Maxammed Sheekh Ismaacil oo ah culimada waa wayn ee Somaliland, ahna aabahay, waxa qaatay ciidanka danbi baadhista, ilaa hada oo ay tahay 5:00pm mahayno warkiisa, meelkastana waanu ka waynay" ayay tidhi.

Sheekha oo xarun caafimaad oo caan ah kuleh magaalada Hargaysa, ayaa Sahan TV Axadii u sheegay in sarkaalka haysta Ciidamada Sirdoonka Somaliland ee gobolka Sanaag, uu u haysto danbi aanu garanayn isla markaana, uu xoog kaga soo saaray magaalada Ceerigaabo, oo uu sheegay in uu u joogay howlo nabadayn ah maalmihi u danbeyay.

Waxa kale oo uu sheekhu sheegay in madaxa sirdoonaka gobolka Sanaag uu u sheegay in loo haysto socdaal uu ku tagay magaalada Badhan oo uu u tagay in uu daweeyo dad buka sida uu sheegay, waxana falka sirdoonku sheekha kula kacay cambaareeyay maayar ka Ceerigoobo Ismaaciil Xaaji Nuur.

Sheekh Maxamed oo maanta Hargaysa lagu xidhay sida gabadh uu dhalay sheegtay, ayaa hore usoo qaatay 7 sano oo xabsi ah kadib markii lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa falal argagixiso oo Somaliland ka dhacay xiligii dowladi Riyaale iyadoo markii danbe cafis madaxwayne lagu sii daayay 17, May, 2011.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]