4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 17, 2021
Kalluumeysato Soomaaliyeed oo ku dhintay xeebaha gobolka Jubbada hoose

Talaado, Agoosto,17, 2021 (HOL)-  Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dad Kalluumeysato ahaa oo ku dhintay Xeebaha gobolka Jubbada hoose, kadib markii dabeylo xoogan ka kaceen Xeebaha gobolkaasi.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda dowlad goboleedka Jubbaland,Cabaas Cali Ibraahin ayaa sheegay in dabeylaha xooggan ee kacay ay sababeen iney qalibmaan ilaa 11 Doomood ayna ku dhinteen 5 ruux oo Kalluumeysato ahaa.

Wasiir Cabaas ayaa sidoo kale sheegay in dabeylaha ay burburiyeen Guryo ku yiilay xaafada Calaleey ee magaalada Kismaayo, gaar ahaan kuwa xiga dhanka Badda, inkastoo uusan sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay burburka Guryahaasi.

Gabagabadii Wasaaradda Kaluumeysiga Jubbaland ayaa ugu baaqday Kaluumeysatada gobolka Jubbada hoose iney taxadar dheeraad ah muujiyaan xiliyada ay doonayaan iney galaan Badda si ay uga soo Kaluumeystaan.

Sannad walba marka la gaaro xiligaan oo kale ee loo yaqaano Xagaayga waxaa dabeeylo xoogan ay ka biloowdaan inta badan Xeebaha dalka Soomaaliya, waxaana khasaare naf iyo maalba leh la kulma qaar kamid ah kaluumeysatada Soomaaliyeed.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]