Hiiraan Online
11/2/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Isniin, Aug 16, 2021
Taalibaan oo la wareegtay Madaxtooyada dalka Afgaanistaan
Isniin, Agoosto, 16, 2021 (HOL) - Xoogaga
Taalibaan
ayaa sheegtay iney si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta Madaxtooyada dalka Afganistaan ee ku taala magaalada Caasimada ah ee dalkaasi Kabul.
Taalibaan
ayaa gudaha u gashay xarunta Madaxtooyada dalkaasi saacado kadib markii uu halkaasi isaga baxsaday madaxweynahii wadankaas Ashraf Ghani.
Hogaamiyaha
Taalibaan
iyo ilaaladiisa ayaa kasoo dhex muuqday xarunta Madaxtooyada dalkaasi oo ah halka looga arimin jiray dalka Afgaanistaan.
Taalibaan
ayaa muddo kooban oo laba isbuuc gudaheeda ah ku qabsatay guud ahaan dalka Afgaanistaan mudo 20 sano oo ay ka dhex dagaalamayeen gudaha dalkaasi Afgaanistaan.
Dhinaca kale dowladda Mareykanka ayaa walaac xoogan ka muujisay qabsashada
Taalibaan
ay dib kula wareegeen talada dalka Afgaanistaan, waxaana la arkayay shalay diyaaradaha qumaatiga u kaca ee dalka Mareykanka oo Diblumaasiyiinta ka joogay dalkaasi la baxayay iyaga oo si toos ah u dagaayay aqalka Madaxtooyada.
Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]