4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 13, 2021
Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo ka hadlay horumarka la taaban karo ee laga gaaray doorashada Soomaaliya
 

Jimco, Agoosto, 13, 2021 (HOL) - Ergeyga QM ee Soomaaliya ayaa golaha ammanaka u sheegay in horumar laga gaaray heshiiskii u dhexeeyay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo ujeedkiisu ahaa in la qabto doorashooyinka qaran ee dib u dhaca uu ku yimid.

Laakiin Ergaygu wuxuu sheegay in loo baahan yahay dadaal dheeri ah si loo xaqiijiyo amniga doorashada iyadoo la eegayo halista joogtada ah ee ka imaanaysa kooxda Al-Shabaab.

Illaa iyo sanadkan, UNka ayaa diiwaan geliyay warbixinno ku saabsan 321 qof oo rayid ah oo la dilay, oo inta badan loo aaneeyanayo in ay ka dambeeyaan Al-Shabaab.

James Swan ayaa ku ammaanay raysal wasaare Rooble inuu muujiyey hoggaan xooggan iyo hindise ku aaddan in geeddi socodka hore loo dhaqaajiyo, isagoo kulamo joogto ah la qaadanayay hoggaamiyayaasha dowlad gobolleedyada.

Swan ayaa golaha ammaanka u sheegay in doorashada kuraasta aqalka sare ee Baarlamaanka ay ka bilaabatay afar dowlad goboleed, inkastoo uu sheegay inuu si gaar ah uga walaacsan yahay haddii aan tallaabooyin adag hadda la qaadin, laga yaabee inaan la gaarin qoondada haweenka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online