4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 1 , 2021
Guddiga Doorashooyinka maamulka Galmudug oo Codsi u diray madaxweynaha Galmudug
 

Axad, Agoosto, 1, 2021 (HOL) - Guddiga doorashada dowlad goboleedka Galmudug ayaa codsi u gudbiyay madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Galmudug ayaa madaxweyne Qoorqoor ka codsaday inuu soo gudbiyo liiska xubnaha ku tartamaya kuraasta Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ku matalaya Galmudug.

Waxaa codsiyo noocaan oo kale ah horay ugu gudbiyay madaxweynayaasha Jubbaland iyo Koofur Galbeed, guddiyada doorashada heer dowlad goboleed ee Jubbaland iyo Koofur Galbeed, waxaana xusid mudan in labadaasi madaxweyne ay si deg deg ah uga soo jawab celiyeen codsiyadii ay u jeediyeen guddiyada doorashada ee maamuladooda.

Galmudug waxay ka mid tahay maamulada aanan wali soo gudbin liiska Musharaxiinta u taagan doorashada Aqalka Sare ee Soomaaliya oo ilaa hada ka qabsoontay Jubbaland, iyadoo Koofur Galbeedna ay ku guda jirto diyaar garowgii ugu dambeeyay ee doorashada Aqalka Sare oo lagu wado qeyb ka mid ah iney berito ka bilaabato Baydhabo.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]