4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 8 , 2021
Beesha caalamka: Waxaan ku boorinaynaa madaxda inay si deg deg ah ugu laabtaan wadahadalada
 

Khamiis, April,, 08, 2021 (HOL) - War-saxaafadeed ka soo baxay beesha caalamka ayaa loogu baaqay hoggaamiyaasha Soomaaliya in Dib loo billaabo wadahadallada burburay ee gogol-xaadhka u ahaa kullamada lagu dhammeystirayo arrimaha doorashooyinka Dalka.

Hadal uu galinkii dambe ee Arbacadii shalay siiyay warbaahinta , wasiirka Warfaafinta Federaalka Soomaaliya, Cismaan Abokor Dubbe  wuxuu ku eedeyay fashilka wadahadallada madaxda Puntland iyo Jubbaland, taas oo ay iska diiddeen labada maamul.

“Saaxiibada Beesha Caalamka waxay ka welweleen war-saxaafadeedyadii mas’uuliyiinta qaarkood ay shalay la wadaageen bulshada kuna tilmaameen kulankii gogo-xaadhka iyo wadatashiga ahaa ee albaabadu u xidhnaayeen aanu sameyn wax horumar ah. Waxaan adkeynaynaa in wadahadalladan ay udub-dhexaad u yihiin xaqiijinta hirgelinta hannaanka doorasho ee 17kii Sebtember ee loogu talagalay doorashooyin lagu kalsoonaan karo, iyadoo la’aantood uu khatar gelayo horumarkii sanadihii ugu dambeeyay laga gaaray xasilloonida, horumarka dhaqaale iyo dib-u-hagaajinta hay'adaha ee Soomaaliya.”ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Beesha caalamka waxay mar kale ku celiyeen inaysan taageeri doonin muddo kordhin xileed.

“Waxaan ku boorinaynaa madaxda inay si deg deg ah ugu laabtaan wadahadalada si ay heshiis uga gaaraan arrimaha harasan, iyagoo u maraya isu-tanaasul. Waxaan mar kale ku celinaynaa in saaxiibada [caalamku] aanay taageeri doonin geeddi-socod babar-socod ah, mid aan loo dhamayn, ama dadaallo cusub oo horseedaya kordhinta muddo xileedkii hore. Waxaan ku boorinaynaa dhamaan madaxda Soomaaliyeed inay aad isu xakameeyaan oo ay ka fogaadaan ficil kasta oo hal dhinac ah, kaas oo sababi kara in xiisadaha siyaasadeed ay kasii daraan.”
                                                                                
“Iyadoo la eegayo culayska ay leedahay xaaladda hadda taagan, ayaa saaxiibadu waxay wadatashiyo deg deg ah la leeyihiin ka-qaybgalayaasha shirka DFS-DGXF iyo saamilayda kale ee muhiimka ah ee Soomaaliyeed si loo ogaado xulashooyin si dhakhso leh xal loogu heli karo is-mari-waagan, isla markaana si dhakhso leh dib loogu noqdo wadahadalka.” ayuu ku daray warsaxaafadeedka.

Iman Jama, Hiiraan Online
[email protected]