4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 8 , 2021
Somaliland oo u jawaabtay wasiirka arrimaha gudaha ee Puntland

Khamiis, April, 8, 2021 (HOL) - Wasiirka Wasaarada shaqo-gelinta iyo arrimaha bulshada Somaliland Mustafe Maxamuud Cali, ayaa beeniyay sheegashada wasiirka arrimaha gudaha Puntland, ee ah in ay maamulan badiba gobolada Sool iyo Sanaag.

Wasiir Mustafe oo waraysi siiyay HCTV, ayaa yidhi “cidkasta oo i maqlaysa waxan u sheegaya, Somaliland iyo Puntland in ay yihiin dowlad iyo maamul walaalo ah, jaar ah dano badanina ka dhexeeyaan”.

Wasiirka aya sheegay in cidkasta oo masuul ah, oo hadlaysa looga bahanyahay in ay ka fogaadaan hadalkasta oo abuuri kara colaad iyo dhibato.

Wasiir Mustafe ayaa sidookale ka jawaabay, hadalka wasiirka arrimaha gudaha Puntland ee aha in ay si fudud ku qabsan doonaan magaalooyinka Laascaanod iyo Ceerigaabo.

“Wasiirka leh Sool baan qabanaya ciidamada Somaliland waxay xafiiskiisa u jiraan wax kayar 19 killo mitir, hadii uu daaqadiisa furo oo uu eego wuu arkayaa” ayuu yidhi wasiir Mustafe.

“Cidka hor joogtaana ma jirto ee Somaliland iyada ayaa masuuliyadeeda u dhawraysa wax badan”.

“Waxa nasiib darro ah ninka ay u muuqdaan ciidamada Somaliland ee hadana leh Sool iyo Sanaag baan qabsanayaa” ayuu wasiirku hadalkiisa sii raaciyay.

Jawaabta Somaliland, ayaa imanaysa xili ay dowlad goboleed ka Soomaaliya ee Puntland ku dhawaaqday in ay dagaal ku qabsanayso gobolada Sool iyo Sanaag.

Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]