4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 6 , 2021
Dagaal culus oo u dhexeeya Soomaalida iyo Canfarta oo ka socda gobolka Siti
 

Talaado, April,, 06, 2021 (HOL) - Dagaal u dhexeeya Soomaalida iyo Canfarta ayaa ka socda Gobolka Siti  ee dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia, waxaana lagasoo sheegayaa khasaare xooggan oo dhimasho iyo dhaawac ah.

Ugu yaraan 10 qof oo shacab ah oo ay ku jiraan odayaal caanka ah deegaanka Soomaalida, ayaa lagusoo waramayaa in ay ku dhinteen dagaalka ay Canfarta kusoo qaaday dhulka Soomaalida.

Dagaalka ugu culus ayaa ka socda tuulada Garba-Ciise iyo agagaarkeeda, waxaana wararku sheegayaan in magaaladaas la hareeyay oo ay Canfartu go’doomiyeen, iyagoo jaray waddooyinkii Soomaalida isaga xirnayd.

Ciidamada milatariga Ethiopia ayaa ku sugan magaalada Garba-Ciise, wuxuuna ilaalo ka yahay dadka shacabka ah, isagoo ka hortagaya in magaalada loogusoo galo oo kadibna xasuuq loo geysto.

Balse, waxaa milatariga lagu dhaliilay in aysan kala dhex galin dhinacyada ku dagaalamaya magaalada hareeraheeda iyo meelaha kale ee Canfartu ku laynayso dadka shacabka ah.

Weli macluumaad ah rasmi ah lagama hayo khasaaraha dagaalka dhexamaraya ciidanka dowlad deegaanka Soomaalida iyo kuwa canfarta, walow ay jirto dhimasho badan oo labada dhinac ah.

Boqolaal qoys ayaa ka barakacay colaada ka socota gobolka Siti, iyadoo kusoo beegantay xilli abaar culus lagasoo sheegayo dhulkaas.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online