Villa Soomaaliya '' ma'aha in sharuud lagu xiro fulinta heshiiskii 17dii September

Talaado, April, 06, 2021 (HOL) - Villa Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay wararka sheegay in shirka teendhada Afsiyooni qarka u saaran yahay in uu burburo.
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa sheegay in kulamada madaxda Dowladda Federaalka iyo dowlad Gobolleedyada si wanaagsan u socdaan, isaga oo meesha ka saaray in wali leysku mari la'yahay.
Agaasimaha ayaa sheegay in ay dalbanayaan si uusan khilaaf u dhicin in shuruud lagu xirin heshiiskii 17dii September.
Shirkan madaxda DF iyo Dowlad Gobolleedyada ayaa maanta dib u dhacay sababo lagu sheegay maqnaashaha madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug oo ku sugan magaalada Dhuusa-Mareeb.
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com