4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 6 , 2021
Ra'iisal Wasaare Rooble oo booqday Askar ku soo dhaawacantay weerarkii Al-shabaab ee Shabeellaha Hoose

 

Talaado, April,, 06, 2021 (HOL) - Ra'iisal Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxmed Xusseen Rooble ayaa ku booqday isbitaalka xoogga qaar ka mid ah askartii uu dhaawaca ka soo gaaray weerarkii cuslaa ee Al-shabaab ay ku qaadeen saldhigyada ciidamada ee Bariirre iyo Awdheegle gobolka Shabeellaha Hoose.

Rooble ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha Isbitaalka oo ka waramay xaalada askarta, ayaa sidoo kale askarta dhaawaca ah ka wareystay xaaladdooda, isaga oo ku rajeeyay caafimaad

Ra'iisal Wasaare Rooble ayaa Askarta uga mahad celiyay geesinimada iyo nafhurnimada ay sameeyeen si ay isaga difaacaan ayuu yiri koooxaha cadawga ah.

Qaar ka mid ah askarta ayaa Ra'iisal Wasaaraha uga mahad celiysay booqashadiisa.

Al-shabaab ayaa soo bandhigay sawirro iyo muuqaaloo la xiriira weerarkii Bariirre iyaga oo beeniyay muuqaalo ay dowladdu baahisay, waxaana ay Al-shabaab sheegeen in weerarkaasi ay ku dileen 47 askari oo ka tirsanaa cidanka dowladda.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]