4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 4 , 2021
DR. Gaboose oo sheegay in uu ka fadhiisanayo siyaasada iyo dhakhtarnimadaba
 

Axad, April, 4, 2021 (HOL) - DR. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa shir jaraa’id oo uu maanta Hargaysa ku qabtay ku shaaciyay in uu ka fadhiistay dhakhtarnimadi iyo siyaasadiba.

DR. Gaboose ayaa sheegay in inta noloshiisa ka dhiman uu ku bixin doono, barashada diinta Islaamka, ka shaqaynta arrimaha samafalka iyo in uu wakhti la qaato qoyskiisa.

“faq dheer iyo xogo badan oo aanu is waydaarsanay aniga iyo naftaydu kadib, waxan ku qancay in wixi hada ka danbeeya, aan usoo jeesto, hawlaha sama falka, barashada diinta Islaamka iyo ka warqabka caruurtayda” ayuu yidhi DR. Gaboose.

Gaboose ayaa sheegay in uu dhisay isbitaal weyn oo ay ka hawlgalaan xeel dheerayaal caafimaad sida darteedna uu ka nasan doono hawlihii caafimaadka.

Digtoorka ayaa dhinaca kale sababta uu siyaasada uga fadhiisanayo ku sababeeyay in da’diisu ay sii waynaatay isla markaana uu daciifnimo dareemayo.  

Waxanu sheegay in madama oo Somaliland tahay dowlad curdin ah ay u baahantahay hogaamiye da yar oo firfircoon isla markaana aanu hogaamin karayn nin wayn oo daalay.

Sidokale digtoorka ayaa sheegay in qaabka ay u shaqeeyaan hayadaha dowliga ah ee Somaliland ay ka niyad jabisay in uu sii wato hankiisi siyaasadeed.

“Waxan goob-joog ka noqday hay’adihii isdheeli tiri lahaa ee qaranka oo dhamanta ay gacanta ku hayso kolba cida talada haysa” ayuu yidhi digtoorku.

“Waxan xaqiiqsaday in nidaamkani aanu wax badan ka gadisnayn kii ridistiisa aan ayda usoo galay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay DR. Gaboose.

Digtoorka ayaa sheegay in wixii maal ah ee uu tabcay uu ku wareejinayo ubadkiisa.

Gaboose ayaa hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay in uu soo bandhigi doono buug uu ka qoray dhacdooyinkii kala duwana ee uu usoo taagnaa intii uu noolaa.

Cabdiraxman Sh. Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]