Hiiraan Online
3/28/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 29, 2021
Maraykanka oo madaxweyne Farmaajo iyo barlamaanka ka codsaday in si degdeg ah loo baabi'iyo go'aankii muddo kororsiga
Khamiis, April, 29, 2021 (HOL) - Dowladda Maraykanka ayaa madaxweyne Farmaajo iyo barlamaanka Soomaaliya ka codsaday in ay si deg deg ah wax uga qabtaan baabi'inta hindise sharciyeedka jihaynta doorashooyinka ee la meel mariyay 12 bishaan Abril.
Maraykanka ayaa si gaar ah u xasuusiyay madaxweyne Farmaajo inuu fuliyo ballanqaadkiisii 28-kii Abriil ee ku saabsanaa inuu dib ugu laaban doono heshiiskii doorashada ee Sebtember 17 isla markaana uu si dhakhso leh dib ugu bilaabo wada hadalkii uu la lahaa hoggaamiyeyaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka.
"Waxaan ku bogaadineynaa Raiisel wasaare Rooble iyo madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka sidii ay u diideen muddo kordhinta. Waxaan ka codsaneynaa madaxda qaranka iyo kuwa Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka in ay si deg deg ah u kulmaan si loo dhameystiro qaabka doorashada ee la isku raacsan yahay iyo in la qabto doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha sida ugu dhaqsaha badan iyadoo lagu saleynayo heshiiskii Sebtember 17," ayaa lagu yiri qoraalka Maraykanka.
Maraykanka ayaa hoggaamiyeyaasha Soomaaliya ugu baaqay in ay dhinac iska dhigaan himilooyinkooda siyaasadeed iyo kala duwanaanshahooda danta ummadda Soomaaliyeed ayna si daacad ah ugu gorgortamaan shuruud la’aan iyo tanaasul.
Dowladda Maraykanka ayaa sidoo kale ugu baaqday ciidamada amniga ee Soomaaliya iyo dhammaan kooxaha hubeysan in ay istaagaan oo ay ogolaadaan in wadahadalka siyaasadeed uu dib ugu bilowdo jawi ka caagan rabshadaha iyo cagajugleynta.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]
Hargaysa: Libaax baxsad ah oo haweenay dhaawac halisa gaadhsiiyay
4/29/2021 5:58 PM EST
Khamiis, April, 29, 2021 (HOL) - Mid kamida libaaxyadii uu Hargaysa ku haystay siyaasi Cali Waran Cadde, oo ka baxsaday xeradisii ayaa dhaawac daran gaadhsiiyay haweenay Oromo ah.
Kenya oo dib u dhigtay go'aankii ay sheegtay in ay ku xireyso xeryaha qaxootiga Dadaab iyo Kaakuma
4/29/2021 4:44 PM EST
Khamiis, April, 29, 2021 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay dib u dhigtay go'aan ay horay u soo saartay oo ay ku sheegtay in ay ku xireyso xeryaha Qaxootiga Dadaab iyo Kaakuma oo ay ku jiraan qaxooti Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha degmada Baraawe oo ka badaaday isku-day lagu qaarajin lahaa
4/29/2021 12:18 PM EST
Khamiis, April, 29, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Baraawe ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in halkaasi maanta lagu rasaaseey guddoomiyaha degmadaasi Cumar Sheekh Cabdi.
UK oo fariin u dirtay madaxweyne Farmaajo iyo madaxda Dowlad Gobolleedyada
4/29/2021 9:05 AM EST
Khamiis, April, 29, 2021 (HOL) -Dowladda UK ayaa ku baaqday in muhiim tahay qabashada doorasho ku dhisan heshiis iyo wadar ogol iyadoo loo daneynayo ammaanka, xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya
Weriye Maxamed Cumar Yuusuf (Bolton) oo muddo ka badan toban cishe u xiran ciidanka Danab ee Galmudug
4/29/2021 9:01 AM EST
Khamiis, April, 29, 2021 (HOL) - Weriye Maxamed Cumar Yuusuf (Bolton) oo agaasime ku xigeen ka ah Radio Deegaan oo ku yaalla koonfurta Gaalkacyo ee Galmudug ayaa muddo ka badan toban cishe u xiran ciidanka Danab.
Dalalka ciidamada ugu deeqay howlgalka Amisom oo soo dhoweeyay in madaxweyne Farmaajo uu ka laabto muddo kororsigii barlamaanka
4/29/2021 8:26 AM EST
Khamiis, April, 29, 2021 (HOL) - Guddiga Wadamada Ciidamada ku biiriyay Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ayaa soo dhaweeyay Hadalkii Madaxweyne Farmaajo ee ku saabsanaa inuu diyaar u yahay inuu ku laabto Aqalka Hoose ee Baarlamaanka si go'aannadii 12 Febraayo dib looga noqdo, iyo sidoo kale inuu ku laabto heshiiskii doorasho ee 17 Sebtember.
Sheekh Shariif oo si kulul uga hadlay dhacdooyinkii ka dhacay magaalada Muqdisho
4/29/2021 7:11 AM EST
Khamiis, April, 29, 2021 (HOL) - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh shariif Sheekh Axmed oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa si adag uga hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee dagaaladii ka dhacay magaalada Muqdisho.
Ra'iisal Wasaare Rooble oo la kulmay madaxda Galmudug, Hirshabeelle iyo Midowga Musharixiinta
4/29/2021 1:49 AM EST
Khamiis, April, 29, 2021 (HOL) - Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa xalay kulan la qaatay madaxda dowlad gobolleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo xubno ka tirsan midowga Musharixiinta dalka.
Somali News
Troops Contributing Countries urge Amisom against taking sides in Somali politics
-
HOL
4/29/2021 11:14 AM EST
ADDIS ABABA (HOL) - Troops and Police Contributing Countries to AMISOM have called on the AU sanctioned force to distance itself from partisan politics in Somalia in light of ongoing tensions in the country.
Algeria detains leading opposition figure
-
AFP
4/29/2021 10:41 AM EST
A leading Algerian opposition activist has been detained and is to appear before prosecutors on Thursday, his lawyer said, weeks ahead of elections he and other opponents have pledged to boycott.
Sheikh Sharif blames MPs for Mogadishu violence
-
HOL
4/29/2021 9:05 AM EST
Mogadishu (HOL) - Former Somali President Sheikh Sharif Sheikh Ahmed returned to Somalia on Thursday and held a press conference where he spoke critically about the political situation in the country and the latest developments in Mogadishu.
UPDATE: US, UK urge Somali parliament to annul term extension
-
HOL
4/29/2021 4:47 AM EST
WASHINGTON (HOL) - The US has called on Somali parliament and president Mohamed Farmaajo to annul the April 12, 2021 resolution by the Lower House which granted the Farmaajo two more years in office.
Somalia no longer has the cheapest mobile data rates in Africa
-
HOL
4/29/2021 3:32 AM EST
Mogadishu (HOL) - Somalia no longer has the lowest mobile internet data prices in Africa, according to an annual report released by a British technology firm.
Uber to sign up 20,000 more UK drivers as COVID rules ease
-
Reuters
4/29/2021 1:26 AM EST
Uber aims to sign up an additional 20,000 more drivers in Britain as the lifting of COVID-19 restrictions boosts demand, the ride-hailing app said on Thursday.
Puntland won't attend electoral conference called by Farmajo
-
HOL
4/29/2021 1:06 AM EST
Mogadishu (HOL) - Puntland's Information Minister Abdullahi Ali Hersi Timaadde said that his regional government would not attend an electoral conference convened by President Farmajo unless external mediators are directly involved.
Community mourns slain Minneapolis store clerk Liibaan Baqarre: ‘everyone loved him’
-
WCCO
4/29/2021 12:45 AM EST
MINNEAPOLIS (WCCO) — Minneapolis Police say a suspect has been arrested in connection to a fatal robbery at a Cedar-Riverside neighborhood business.
UN Calls on Countries to Take Action to Prevent Drowning
-
AP
4/29/2021 12:30 AM EST
UNITED NATIONS - The U.N. General Assembly encouraged all countries Wednesday to take action to prevent drownings, which have caused over 2.5 million deaths in the past decade, over 90% of them in low-income and middle-income countries.
At least 7 killed in suicide bombing in Somalia’s capital
-
AP
4/29/2021 12:26 AM EST
MOGADISHU, Somalia (AP) — At least seven people were killed and more than 11 others wounded when a vehicle exploded outside a police headquarters in Somalia’s capital, police and health officials said Wednesday.