4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 26, 2021
Dowladda Jabuuti oo si adag uga hadashay eedeyntii dowladda Soomaaliya u jeedisay
 

Isniin, April, 26, 2021 (HOL) - Dowladda Jabuuti ayaa markale ka jawaabtay eedeyn kulul oo aay dhawaan u jeedisay dowladda Soomaaliya, taasoo ku saabsaneed in dowladda Jabuuti aay kaalin ku laheyd bayaankii kasoo baxay Golaha Amaanka ee Midowga Afrika ee aay ku cambaareyeen muddo kororsiga hay'adaha dowladda Soomaaliya.

Dowladda Jabuuti ayaa eedeynta dowladda Fedaraalka Soomaaliya ku sheegtay waxba kama jiraan, isla markaana eeda laga leeyahay dano siyaasadeed.

Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon oo ah wasiirka Warfaafinta Jabuuti oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay iney aad uga walaacsan yihiin eeda uga timid dowladda Soomaaliya oo uu sheegay iney dadaalo badan ku bixisay dowladda Jabuuti dib u heshiisiinta iyo horumarka Soomaaliya.

“Jabuuti waxa aay dedaal ku bixisay nadaynta iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya, sida shirkii Carta oo la ogyahay natiijadii ka soo baxday oo ay Soomaaliya ka dhaxashay inay dib u soo ceshato kursigii ay ku laheyd Qaramada Midoobay kaddib sanado badan oo ay ka maqnayd" ayuu yiri wasiirka Warfaafinta Jabuuti Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon.

Hadalka jawaabta ah ee kasoo baxay dowladda Jabuuti ayaa imaanaysa kadib markii dhawaan eedeyn culus aay u jeedisay dowladda Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]