4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 25, 2021
Wasiirka amniga Soomaaliya oo beeniyay in la weeraray madaxweynihii hore Xasan Sheikh Maxamuud

Axad, April, 25, 2021 (HOL) - Wasiirka amniga Soomaaliya Xasan Xundubay Jimcaale ayaa caawa beeniyay in ciiddanka dowladda ay weerareen madaxweynihii hore ee Soomaaliya, mudane Xasan Sheikh Maxamuud, kaas oo bartiisa Facebook kusoo qoray in gurigiisa lagusoo weeraray.

Wasiirka amniga waxa uu sheegay, madaxweyne  Xasan Sheikh Maxamuud in ay amnigiisa sugaan ciidamada madaxtooyada Soomaaliya islamarkaana aysan sinnaba suurtagal u ahayn in ay dowladdu weerarto.

Xasan Xundubay oo sidoo kale ka hadlayay dagaalada ka socda Muqdisho, ayaa sheegay, in Muqdisho loosoo raray colaado ay dabada ka riixayaan dowladdo shisheeye oo doonaya in Muqdisho mar labaad dib loogu celiyo burburkii iyo kala dambayn la'aantii.

Wuxuu sheegay dagaalada ka socda Muqdisho in ay  masuuliyaddooda qaadi doonaan siyaasiyiinta dowladda kasoo horjeeda ee uu ku eedeeyay inuu damacoodu yahay in ay kursiga dagaal iyo xabbad ku raadiyaan.

Wuxuu sheegay dowladdu in ay weli is xakamanayso islamarkaana ay awood u leedahay in ay halmar kusoo afjarto dhinacyada kasoo horjeeda.

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya iyadoo caawa qeyb kamid ah magaalada Muqdsho uu ka socdo dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kuwa musharrixiinta.

Lama oga khasaaraha ka dhashay, balse boqolaal shacab ah ayaa guryahooda uga batrakacay dagaaladii galabta ka dhacay degmada Kaaraan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online