4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 25, 2021
Ciidamo militari ah oo la wareegay qeybo ka mid ah Waqooyiga Muqdisho

 

Axad, April, 25, 2021 (HOL) -Ciidamada oo xalay soo gaaray Waqooyiga Muqdisho ayaa lagu waramayaan in ay la wareegeen Isgoysyo muhiim ah waxaana hoggaaminaya sida la sheegay saraakiil ka biyo diidan muddo korarsiga dowladda uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ciidamada ayaa lagu waramayaa in ay la wareegeen Isgoyska Fagax, qeybo ka mid ah degmada Kaaraan iyo waliba Hilwaa sida ay warbaahinta u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Meelaha ay ciidamadan ku sugan yihiin ayaa lagu arkayaa gaadiid faro badan oo kuwa dagaalka oo xalay ka soo baxay furmaha iyo saldhigyada difaaca ee ciidamada militariga Soomaaliya ku sugan yihiin.

Ciidamadan ayaa la sheegay in uu hoggaaminayo sarkaal lagu magacaabo Col Saney Cabdulle, ma jirto faah faahin intaa dhaafsiisan oo laga bixiyay dhaqdhaqaaqan ay ka wadaan magaalada Muqdisho.

Go'aankii uu dhawaan Baarlamaanka Soomaaliya mudada ugu kordhiyay dowladda hadda jirta ayaa waxaa ka dhashay carro siyaasadeed iyadoo ay siweyn uga biyo diideen siyaasiyiinta mucaaradka oo ka digay in cawaaqib aan wanaagsan oo arintaasi ay keeni karto.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]