4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 24, 2021
Wasiir Dubbe: Beesha caalamka awood uma lahayn in ay sharci darro ku tilmaamto go’aan barlamaan dal madax bannaan
 

Sabti, April. 24, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa kasoo horjeesatay mowqifka beesha caalamku ka qaadatay go’aankii uu barlamaanka Soomaaliya muddada ugu kordhiyay madaxweyne Farmaajo iyo dowladdiisa.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abukar Dubbe oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, ayaa sheegay in uusan jirin urur caalami ah ama mid goboleed oo sharciyan cambaarayn kara go’aan barlamaanka dal madax bannaan.

“Waxaan leenahay waa sharci darro, dowladda Soomaaliyana masoo dhoweynayso cambaarayntaas ,” ayuu yiri Wasiir Dubbe oo dhinaca kale sheegay in ay dowladdu soo dhoweynayso ergayga cusub ee kala shaqeynaya arrimaha doorashada.

Wasiirka warfaafinta ayaa sidoo kale sharci darro ku tilmaamay qodob kamid ah war murtiyeedka shirkii guddiga nabadda iyo amniga midowga Afrika, kaasoo ahaa in ciidamada Amisom ay la socdaan dhaqdhaqaaqa ciidamada Soomaaliya.

Wuxuu sheegay wasiir Dubbe, in qodobkaas uu si cad uga hor imaanayo waajibaadka shaqo ee ciidamada Amisom sida ku cad qaraarka golaha ammaanka Qaramada Midoobay.

Dhinaca kale, wasiirka warfaafinta ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in dalal ay colaad kala dhexayso Soomaaliya ay tifatire ka noqdaan faaqidaada arrimaha Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online