4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 23, 2021
Taliska AFRICOM oo sheegay in ka saarida ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya ay abuurtay qatar cusub
 

Jimco, April, 23, 2021 (HOL) - Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa u sheegay golaha guurtida dalka Maraykanka in go’aankii maamulka Trump uu ciidamada Maraykanka uga saaray Soomaaliya, uu abuuray caqabado hor leh oo ka dhan ah la dagaalanka kooxda Al-Shabaab.

Stephen Townsend oo siinayay xubnaha aqalka sare warbixin ay ka yeesheen dib-u-eegis lagu sameynayo joogitaanka ciidamada Mareykanka ee Afrika, ayaa sheegay inuu jiro hoos u dhac amni tan iyo markii ciidamada Maraykanka ee ku sugnaa Soomaaliya la geeyay meel ka baxsan dalka.

Horraantii bishii Diseembar, Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa  amar ku bixiyay in ku dhowaad 700 oo askarta Mareykanka oo ku sugnaa Soomaaliya ay isaga baxaan dalka. Ciidamada ayaa halkaas u joogay inay ka caawiyaan militariga Soomaaliya dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.

AFRICOM waxay shaacisay bartamihii bishii Janaayo in bixitaanku uu dhameystirmay. Ciidamada intiisa badan waxaa loo wareejiyay wadamada deriska ah si ay usii wadaan howlgalada ka dhanka ah  shabakadaha argagixisada ee al-Qaacida.

Townsend ayaa sheegay in tiro gaaraysa 100 askari oo Ciidamada Maraykanka ah ay weli ku sugan yihiin Muqdisho, kuwaas  oo shaqadooda ay ku xiran tahay safaaradda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online