Puntland oo ku hanjabtay in ay masiirkeeda ka tashanayso haddii aan dib loogu laaban heshiiskii 17 September

Cabirka Farta
 Puntland oo ku hanjabtay in ay masiirkeeda ka tashanayso haddii aan dib loogu laaban heshiiskii 17 September

Khamiis, April, 22, 2021 (HOL) - Puntland ayaa shaacisay in haddii lagu heshiin waayo doorashada oo dib loogu laaban waayo miiska wada hadalka ay masiirkeeda ka tashanayso, iyadoo ka duulaysa go’aamadii kasoo baxay shirkii wadatashiga Puntland ee bishii march ee sanadkii 2020.

newsinsideWaxay sheegtay Puntland in aysan aqoonsanayn go’aamadii ay meel mariyeen barlamaanka Soomaaliya ee waqtigiisu dhamaaday, kuwaas oo mudo kororsi u sameeyay hay’addaha dowladda.

Puntland waxay caddeysay in hannaanka kaliya ee heshiiska lagu yahay uu yahay, heshiiskii 17 September, kaas haddii aan lagu heshiinna ay qaadan karayso go’aan go’itaan ah.

Go’aamadan kasoo baxay Puntland ayaa lagusoo beegay xilli dowladda federalka ay kala dirtay guddiyadii doorashooyinka dadbanaa islamarkaana ay dowladdu caddaysay in aan dib loogu laabandoonin heshiiskii 17 september.

Puntland oo ku hanjabtay in ay masiirkeeda ka tashanayso haddii aan dib loogu laaban heshiiskii 17 September
Puntland oo ku hanjabtay in ay masiirkeeda ka tashanayso haddii aan dib loogu laaban heshiiskii 17 September
Puntland oo ku hanjabtay in ay masiirkeeda ka tashanayso haddii aan dib loogu laaban heshiiskii 17 September

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online