Sideed ruux oo toogasho lagu dilay dalka Mareykanka

Jimco, April, 16, 2021 (HOL) - Wararka imanaya dalka Mareykanka ayaa sheegaya in xarunta Indianapolis FedEx toogasho ka dhacday lagu dilay sadeed ruux.
Saraakiish Booliiska Indianapolis FedEx ayaa sheegay in weerarkan uu geystay qof sida ay hadalka u dhigeen laftirkiisa markii danbe is dilay
Ciidamada ayaa xiray goobta uu dilka ka dhacay, iyaga oo wada baaritaanno la xiriira sababta toogashadani keentay.
Sidoo kale weerarkan uu geystay qof la sheegay in uu is dilay ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen dad kale oo goobta ku sugnaa.
Weerarrada noocan ah ayaa waayadii ugu danbeeyay ku soo badanayay dalka Mareykanka.
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com