Somaliland: Banaan-baxyo ka socda magaalada Burco ee gobolka Togdheer
Isniin, April, 12, 2021 (HOL) - Dadweyne ka cadhaysan xadhiga Jaamac Maxamuud Adan (Gen: Dollaal), oo maxkamada millateriga Somaliland shalay ku riday xukun 2 sano oo xabsi ah, ayaa iskugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee magaalada Burco.
Dadweynaha isku soo baxa sameeyay ayaa sitay boodhadh ay ku xardhanyihiin halku dhagyo ayku dalbanayaan in Gen: Dollaal lasii daayo.
Ilaa iyo hada xog rasmi ah lagama hayo hadii wax khasaare ahi ka dhashay banaanbaxa iyo inkale.
Xukunka ay maxkamada millaterigu ku riday Gen: Dollaal ayaa cadho ka dhex abuuray qaar kamida bulshada Somaliland.
Cabdilaahi Cabdiraxmaan, Hiiraan Online
Abdilahi@hiiraan.com