Dowladda China oo tallaal soo gaarsiisay magaalada Muqdisho

Axad, April. 11, 2021 (HOL) - Dowladda China ayaa maanta soo gaarsiisay magaalada Muqdisho ilaa 200,000 xabbo Tallaal nooca Sinopharm iyadoo lagu wareejiyay Wasaarradda Caafimaadka xukuumadda Soomaaliya.
Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur Wasiirka Wasaarradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa uga mahad celisay Jamhuuriyada China Tallaalkan ay ugu deeqday.
Gaar ahaan waxaa ay Wasiirradda Caafimaadku u mahad celisay Safirka China ee Soomaaliya Mr Qin Jian oo talaalka ku wareejiyay Wasaaradda.
Danjire Cawaale Cali Kulane ayaa saxiixay heshiis Tallaalka ee lala galay dowladda China.
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com