Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Africa

Axad, April, 11, 2021 (HOL) - Wararka ka imanaya dalka Koonfur Africa gaar ahaan magaalada Cape Town ayaa sheegay in rag hubeysan toogasho ku dileen muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa ganacsatada magaalada.
Gaar ahaan toogashadan ayaa ka dhacday xaafadda lagu magacaabo Elsies River iyadoo muwaadinka la toogtayna magaciisa lagu soo kooban Ilyas.
Gaari uu watay oo sidoo kale ay la saarnaayeen saddex kale oo dhalinyarro ah ayaa la sheegay in rasaas huwiyeen rag hubeysan loo maleynayo in ay ahaayeen burcad.
Waxaa soconaya baaritaanno iyo baadigoob ciidamada Booliiska xaafadda uu dilku ka dhacay ay ugu jiraan kooxdii ka danbeysay, kuwaa oo ilaa iyo hadda aan gacanta lagu soo dhigin.
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com