4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 29, 2020
Baledweyne: isku soo bax lagu xusayay dhalashada Nabi Maxamed & Sawirka madaxweynaha Faransiiska oo Baledweyne lagu gubay


Khamiis, October, 29, 2020 (HOL)- Munaasabad si heer sarre loo soo agaasimay oo lagu xusaayay dhalashada Nabigeena suuban naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee  oo ku beegan 12 bisha moowliid ayaa maanta ka dhacday magaalada Baledweyne  ee xarunta gobolka Hiiraan.

Boqolaal shacab ah oo isugu jiray qeybaha kala duwan ee bulshada reer Baledweyne oo ay hor kacayeen Culimada magaalada ayaa socod dheer ku dhexmarayay wadooyinka waaweyn  ee magaalada kuwaas oo ku dhawaaqay erayo nabi amaan ah.

Isku soo baxa shacabka reer Baledweyne ay ku weyneynayeen dhalashada xabiibkeena ayaa intii ay socotay waxaa dab la qabad siiyay sawirka madaxweynaha dalka Faransiiska kaas oo dhawaan jeediyay hadal uu ugu gafay Nabi Maxamed naxariis iyo nabad galyo dushiisa ha ahaatee waxaana si aad ah uga carooday hadalkaasi gafka ah guud ahaan ummadda Muslimiinta ah.

Gobolada dalka Soomaaliya iyo dalal kale oo caalamka ka tirsan ayaa sameynayay maalmahii lasoo dhaafay isku soo baxyo xoogan oo looga fal celinayo gafkii uu ku kacay madaxweynaha Faransiiska.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]